Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ) ayaa maanta si rasmi ah u qabtay kulankii ugu horreeyey ee isbarasho iyo is-xogwaraysi ah oo ay la yeesheen Guddida Hawlgalinta Xisbiyada Qaranka (Taskforce) ee dhawaan ay soo magacaabeen saddexda Xisbi Qaran ee Kaah, Kulmiye, iyo Waddani.